Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxda Jubaland Oo Si Wanaagsan Iskugu Diyaarisay Ka Qeybgalka Ciyaaraha Maamul-Goboleedyada Iyo Gobolka Banaadir

Recommended Posts

Deeq A.   

Waa guulaystayaasha tartanka kubbadda cagta Maamul-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2017 ee Jubaland bilihii lasoo dhaafay waxa ay tababaro kala duwan ku samaynayeen garoonka kubbadda cagta waamo ee magaalada Kismaayo waxa aratidooda kawada siman tahay in ay yihiin gobolka ugu badan ku guulaysta ciyaaraha gobolada dalka iyo in ay yihiin labo jeer in ay imaadeyn fiinalaha Maamul-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo markii ugu horeesay la qabtay olalihii 2016

IMG_1162C1-827A4B-3E3F81-3E5E5E-CA7272-7

Cabdisamad Sheekh qaasin oo ka mid ahaa ciyartooydii Gobolka Jubada Hoose iyo kooxda Muqdisho todobaadkii lasoo dhaafay ka mid noqday xubin xiriirka kubbbadda cagta dalka ayaa sheegay waqtigoodii iyo xiligan I uu jiro fariq weyn oo xaga horomarka iyo goobaha lagu ciyaarayo tartamada

MG_8123-2-300x200.jpg

C/qaadir Cabdullahi Maxmuud waa layliyaha kooxda Jubaland labadii sano laga soo gudbay kooxda u sahlay in ay soo gaarto heerka kama dambeysta ,inkastoo Sanadkii 2017 uu ahaa Tababare ku Xigeynka hadana waxaa aaminsanyahay in fasal ciyaareedkii Saddexaad ay xidigaha Jubaland gaari karaa fiinalaha

45782408_2024115484301870_71050569376910

Gudoomiyaha xiriirka kubadda cagta maamulka Jubaland Axmed Faarax Taqal (Timijilic) ayaa fariin u diray ganacsada,isagoo sheegay in ay ka qeyb qaataan dhiiri gelinta iyo garb istaagid isboortiga Jubaland

41939056_1952416981471721_55204384175082

Qaar ka mid ciyaarahanada Jubland oo tababar adag ku qaadanayay bilihii lasoo dhaafay magaalada Kismaayo ayaa inoo sheegay in hadafkooda ka yahay difaacashada ciyaaraha Maamul-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo sanadkii sadexaad la rajeenayo qabsoomidiisa

43828975_1982279588485460_70319176003050

Wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada Jubaland ayaa sheegtay in garab taaganyihiin xirfadlayaasha matalaya maamulkooda,iyagoo tibaaxay in ay  diyaar u yihiin doorkooda

44028132_1982276518485767_48163591587501

Axmed Maxamed Islaam oo ah madaxweynaha maamulka Jubaland ayaa markii kooxda ay qaaday koobka Maamul Goboleedyada sanadkii hore sheegay in maamulkiisa uu garab taaganyahay kooxda ay la socondoonaan wax qabadka iyo horomaka

14047281_716333961840841_733268252993963

Gobolka Jubada Hoose horay waxa ay qaadeyn 8-jeer oo koobka gobolada,halka kol ciyaareedkii ay soo dhaafay ay hanteyn koobkii ugu horeeyay Maamul-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir tiro ahaa markii la isku daro waxa ay iminka haystaan 9-koob waxayna sanadaha soo aadan rajaynaynaa in ay sii qaadan koobka lagu dhigo dalka

Halakan Ka Daawo Warbixin Ku Saaban Diyaar Garowka Kooxda Jubaland

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this