Sign in to follow this  
Deeq A.

Shil geystay khasaaro Oo ka dhacay gobolka Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxay shil sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay inta u dhexeysa deegaanada Bandiiradle iyo Saddex Xigle oo ka wada tirsan gobolka Mudug.

Shilka ayaa ka dhashay Gaari Ciidan oo ay la socdeen Askar ka tirsan qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed.

Ugu yaraan 1 Askari ayaa ku dhintay shilkaasi, halka ay ku dhaawacmeen 6 kale, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah.

Muddooyinkii dambe waxaa Mudug ku soo badanayay shilalka Gaari, iyadoona loo sababeeyo burburka Waddooyinka iyo Darawallada oo si xawli ah u kaxeeya Gaadiidka, xilliyada ay marayaan gudaha gobolkaasi.

The post Shil geystay khasaaro Oo ka dhacay gobolka Mudug appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this