Deeq A. Posted November 24, 2018 Koox burcad Koonfur afrikaan ah ayaa ku dilay mawaadin Soomaaliyeed xaafadda Hanover Park oo hoos timaadda Magaalada Cape Town ee Dalkaan Koonfur afrika, Allaha u u Naxariistee Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Hilaal Xirsi Jaamac . Allaha u naxariistee marxuumka ayaa Burcada Koonfur afrikaan ka ah Risaas Ku Fureen Waxayna Risaasta ka haleeshay Madaxda. Ciidamada Booliska Koonfur Afrika ayaa gaaray goobta dilka uu ka dhacay kuwaasi oo baaritaano sameeyay. Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ku badan dilalka loo geeysto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee halkaasi ku ganacsada iyada oo sii siyaadayaan dilalkaasi. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites