Sign in to follow this  
Deeq A.

Su’aalo Furan oo ku Socda Madaxweyne Biixi

Recommended Posts

Deeq A.   

Alsalamu Caleykum Madaxweyne,

Si loo xuso sannadka kowaad ee xukuumadaada, waxan jeclaystay in aan bilaabo su’aalo furan oo akhristaaysha Qaran News ay kuu soo marinayaan boggan furan. Waxa laga codsanayaa akhristayaasha, M/weynaha suaalaha loo soo weydiiyo si asluub iyo ixtiraam leh. Bal aan anigu bilaabo, bisinka u qabto (Bimillaahi Raxmani Raxiim):

Suaal 1: M/weyne, sannad ayaa laga joogaa doorashadii 2017, welina dadku sidii buu u qaybsan yahay, xanaftii doorashada awgeed. Xanafta ugu weyn ee dhacdayna waxay ahayd in aad fagaarayaal badan ka tidhi xisbiga Waddani waa Somali Weyn. Haddaba si xanaftaa looga bogasado, ma dhici kartaa in aad goob fagaare ah ka tidhaahdid xisbiga Waddani waa xisbi Somaliland ah (kol hadduu hantay 40% codkii shacabka)? Hadday sidaasi dhici weydo annaga tii aad noo sheegtay baa nagu qafilan, M/weyne.

Su’aal 2: M/weyne, adiga oo bil talada dalka haya ayaad Tukaraq weerartay. Dad badan ayaa ku dhintay,qaar ku dhaawacmeen, qaarna ku barakaceen, xadkiina in aad soo xidho daayoo; Badhan ayuu Baarlamanka Puntlan ku shiray; iminkana nabad baad joogto ugu baaqdaa. Fadlan ma noo sheegi kartaa ujeedada runta ah ee aad dagaalkii Tukaraq u bilowday?

Su’aal 3: M/weyne khudbaddii aad ka jeedisay Burco usbuucan aan ku jirno, waxaad ku sheegtay in aad ka baxday wadahaladii Xamar, isla markaana aanad ka qayb ahayn isbeddelka geeska ka socda. Kolkaa, fadlan, noo sheeg meesha kale, ee ka-door-roon, ee aad inoo soo sahamisay?

Wa Bilahi Towfiq
Maxamuud C/llahi Axmed
London

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this