Sign in to follow this  
Deeq A.

Dabley hubeysan oo qof ku dishay degmada Wadajir

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Koox Hubaysan ayaa nin dhalinyara ah waxay ku dishay nawaaxiga Suuqa-wayn ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, maanta oo Jimco ah, sida ay idaacadda Shabelle ay u xaqiijiyeen Goobjoogayaal.

Warar is-khilaafsan ayaa kasoo baxay waxa uu ahaa shaqsiga la khaarijiyay – Fahfaahinadda qaar waxay tilmaamaya inuu ahaa ganacsade tukaan ku lahaa meel ku dhow halka lagu toogtay.

Warar kale oo dheeraad ah ayaa iyaguna tibaaxaya in ruuxa uu kamid ahaa ergadii soo xulay Xildhibaanada haatan shaqeeya ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, inkasta oo aanan la hubin.

Ma jirto koox dhabarka illaa iyo haatan saaratay masuuliyadda dilkaan, oo qayb ka ah falalka liddiga ku ah amniga caasimadda.

Hay’adda amaanka ayaa meesha ay wax ka dhaceen gaarey si ay u hubiyan arintan iyo cida ku lugta leh xili qof kamid ah dadka degaanka uu soo wariyay inay sameeyeen howlgalo baaris ah.

Dilalka qorshaysan iyo weerarada loo adeegsado qaraxyadda ayaa inta badan kusoo noq-noqda Muqdisho xili laamaha nabad-gelyada ay ku howlan yihiin sugitaanka amaanka magaalada.

The post Dabley hubeysan oo qof ku dishay degmada Wadajir appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this