Libaax-Sankataabte Posted August 5, 2008 Cirka ayay gashay. Hawada ka fiiri ayadoo lalaysa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted August 6, 2008 Waar niyow kaas weli ma daawanba ,, somehow i'm not following those somali TVs ,, say Universal, RAAD, HCTV, etc ,,,,,,,,,,, Horta maxay sheegaan ?? Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted August 6, 2008 Waa tallaabo xaga fiican loo qaaday! Quote Share this post Link to post Share on other sites
RedSea Posted August 7, 2008 Libaax, SBC looks awsome. I can't believe it that bosaaso has two cable tv. Ayada lafteeda ayaan dab yar shideen. JB, caadi maaha walle sida ay warka usoo gudbinayaan. halkaa kadaawo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
AYOUB Posted January 29, 2011 Telefeeshinka caalamiga ah ee Horn Cable Tv. Oo kamid ah telefeeshinada ku baxa afka Somaaliga kuwooda ugu waa weyn, ayaa markii koowaad hawada Yurub soo galay oo laga hirgaliyay. Telefeeshinkan oo ka baxa ama laga daawado waddamada Afrika, Carabaha, Australia, America, wuxuu ka maqnaa oo qudha waddamada Yurub. Haddaba xalay ayuu markii kobaad soo galay hawada waddanka Ingiriiska, yadoo dad badan oo xiisaynaayay inay dawadan Telefeeshinka Horn Cable Tv, ay fariimaha halka laga dawan karo isugu gudbinayeen telefoonada gacanta iyo fariimo ay isu dirayaan. Horn Cable Tv wuxuu hadda jiray muddo sannado ah wuxuuna si xawaare ah ugu fiday dhammaan dhulka Somaalidu degentahay. Waxaana ka baxa barnaamijyo xiiso leh. Haddaba waddanka Ingiriiska iyo waddamada Yurub oo ay ku dhaqan yihiin Somaali aad u tiro badan ayaa soo dhaweeyay hawo soo galitaanka uu hawada soo galay Horn Cable Tv, xarunta Yurub ayaa noqon doonta magaalada London, siduu ii sheegay Abwaanka saxafigana ah Cali Axmed Raabi (Cali Seenyo) oo kamid ah masuuliyiinta Telefeeshinkan ee carriga Ingiriiska. Sidoo kale waxaa loo qaban doona furitaanka rasmiga ah xaflad ballaadhan oo lagu daah furaayo, xalay ayuu si tijaabo ah u soo galay hawada waddanka Ingiriiska. Haddaba haddii aad doonayso inaad daawato frequency’ga uu ka soo galaayo ayaa ah Hotbird 10815 (H) 27500. Waa hadad joogto waddanka Ingiriiska, ama Yurub. Wixii ka soo kordha wararka Telefeeshinka Horn Cable Tv holhol.net holholnews@hotmail.om Telefishanka Caalamiga ah ee Horn CableTv oo markii ugu horaysay si rasmi looga daawaday Dalalka Yurub Hargeysa January 28, 2011 (HCTVnews)- Telefishanka Caalamiga ah ee Horn Cable Tv ayaa markii ugu horaysay si rasmi ah looga daawaday dalalka Yurubta. Horn Cable Tv oo ka mid ah Telefishanada afka soomaaliga ku hadla kuwa ugu waa wayn ayaa hore looga daawan jiray Wadamada Afrika, Carabaha, Australia iyo America isagoo haatana si rasmi ah u galay Dalalka Yurub, kuwaasi oo ay si weyn u soo dhaweeyeen dadweynaha Soomaalida eek u dhaqan dalalkaasi, waxaana guud ahaan inta badan laga dareemayay dalalkaasi gaar ahaan dalka Ingiriiska inay dadka Somalida ahi si weyn u xiisaynayeen soo galitaanka hawada iyagoo inta badan iskugu dirayay fariimaha iskuguna bushaaraynayay. Telefishanka Caalamiga ah ee Horn Cable Tv ayaa ku baahay dhamaan dalalka ay adduunka kaga sugan yihiin Somalidu, kaasi oo ka haqab tiray dhinaca wararka ee Caalamka iyo xaaladaha ku soo kordhay aduun waynaha iyo Somalidaba meel kasta oo ay joogaan, iyadoo xaflada furitaankii si rasmi ah loogu qaban doono Magaalada London ee Cariga Ingiriiska. Maxamed Kuraase Kuraasevip2@hotmail.com Horn Cable Tv Quote Share this post Link to post Share on other sites
Alpha Blondy Posted January 30, 2011 HCTV is very impressive. Quote Share this post Link to post Share on other sites