Sign in to follow this  
Deeq A.

SOOMALIYA: Gabadh Yar Oo Ayeeyadeed Hooyo Sunay U Qooshtay Ku Dishay.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Goobweyn) Gabadhan yar oo d’ahaan Lagu qiyaasay 15-jir laguna magacaabo Naciima Bashiir ayaa la Sheegay inay Sunay u qooshtay ay ku dishay Ayeeyadeed Hooyo.

4F53231D-AD74-48CC-B2F4-4C0457DAA2C9.jpe

Gabadha ayaa Ayeeyadood oo lagu Magacaabi jiray Dahabo Maxamed waxay Raashinkii Cashada ugu dartay Sunta, sida uu sheegay Guddoomiyaha deegaanka goobwyen Cumar Cabdullaahi Maxamed.

Dad ku sugan deegaanka Goobweyn ee dhacdadaan xalay ka dhacday ayaa waxa ay sheegeen in sababta ay Gabadhaa yari  Ayeeyadeed Sunta  u siisay ay tahay in ay ku qeylisay ama ay canaanatay taa soo keentay in Cashada ay suntan ugu darto,isla markaana goobta ay ku geeriyootay.

Sunta ayay  Gabadha yari waxay  xalay ka soo  iibisay Goob Ganacsi oo ku taalla deegaanka Goobweyn ee Gobolka Jubabda Hoose,waxaana sida la sheegay ay suntan aheyd mida loo Isticmaallo beeraha ee lagu dilo Cayayaanka.

Ciidamo ka tirsan Maamulka Jubaland ayaa saakay gaaray deegaanka Goobweyn,waxaana ay soo qaadeen Meydkii,iyaga oo gacanta ku dhigay Gabadhii Sunta ku dishay ayeeyadeed,waxaana dhacdadaas aad uga naxay Shacbaka ku nool deegaanka Goobweyn ee Gobolka Jubbada Hoose.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this