Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin Rasaas Ku Furay Soomali Joogtay Goob Lagu Cunteeyo Oo Lagu Xidhay Magaaladda Minnesota.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Minnesota) Ciidanka Booliska Minnesota ayaa xidhay  Lloyd Edward Johnson, oo  55 jir ah, ka dib markii lagu eedeeyay falal ka baxsan Sharciga in uu kula dhaqmay dhalinyaro Soomaali ah oo ku sugnaa goob Makhaayad  ah oo ku taall degaanka Eden Prairie.

2A6D87C1-6999-4396-92A7-F5CBB0127989.jpe

Xadhiga  ninkaan ayaa yimid ka dib markii Muuqaal looga duubay taleefanka gacanta ay ku baahisay Baraha bulshadda gabadh ka mid aheyd kuwii dhibaatada la kulantay.

Johnson ayaa lagu eedeeyay in uu rasaaseeyay koox dhallinyaro ah oo Soomaali ah gudaha Makhaayadda lagu Magacaabo McDonald.

Waaxda Ciidanka boliiska ee degaanka Eden Prairie ayaa sheegtay in Johnson la xidhay “sababo macquul ah oo ku aadan in uu qorsheeyay weerar”.

Boolisku  waxa ay sheegeen in kiiska ninkaan loo gudbiyay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Degmada Hennepin si uu u xukumo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this