Sign in to follow this  
Deeq A.

Imaraadka Carabta Oo Dalka Sudan Ka Dalbaday Heshiisiinta Qatar .

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Abudhabi)Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa ka dalbatay dalka Suudaan inuu door weyn uu ka qaato dadaalada lagu heshiisiinayo Qatar iyo Xulufada Sacuudiga, sidaasina waxaa shaaciyay sarkaal sare oo katirsan dowladda Qatar.

CD8FE582-2EEA-4C62-A995-A51B049D40EE.jpe

Masuulka u hadlay dowladda Qatar oo ka hadlay xaaladda jirta ayaa sheegay in Xukuumadda Qatar ay ku wargelisay dowladda Sudan halka ay ka taagan yihiin wadahadal ay la galaan Imaaraatka Carabta.

Sida uu sheegayna, Masuuliyiinta Qatar ma doonayaan soo celinta xiriirka ay horey u jareen Imaaraatka bishii June ee sanadkii 2017, “Ma dooneyno inaan xiriirka soo celino ha ahaato hadda ama mustaqbalka, maxaa yeelay Qatar waxay aamisan tahay in Imaaraat-ka uu yahay waxa ka dambeeya xiisadda dhalatay”.

Wuxuu sheegay in xukuumadda Doxa aysan waxba u arag in dib loo bilaabo Mustaqbalka xiriirkii kala dhaxeeyay Sacuudiga, laakiin ay sugayaan inta laga dhameynayo kiiska Dilkii wariye Jamaal Kashoqji oo bishii lasoo dhaafay lagu dilay Istanbul.

Sanadkii 2017 ayaa dowladaha uu hogaaminayo Sacuudiga waxay xiriirka u jareen dowladda yar ee Qatar, waxaana ay ku eedeeyay falal ay kamid tahay taageerada argagixisada.

Waxaa Muuqata in Qatar ay u dhowdahay inay mustaqbalka soo celiso xiriirkii kala dhaxeeyay dowladda Sacuudiga, balse aysan marnaba soo ceshan doonin xiriirkii kala dhaxeeyay Imaaraatka maadaama ay aamisan yihiin inay dhibaatada dhan ka dambeeyeen.

Suudaan ayaanan la ogeyn go’aanka ay qaadan doonto maadaama Qatar ay u cadeysay Mowqifka ay ka qabto inay xiriir la sameyso markale Imaaraatka Carabta.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this