Sign in to follow this  
Deeq A.

Muuse Biixi oo si adag u dhaliilay siyaasadda madaxweyne Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha  Somaliland  Muuse Biixi Cabdi oo  safaro ku maraya goboladda Togdheer iyo Sool ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda  Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu doonayo inuu weeraro dekedda magaalada Berbera, isagoo adeegsanaya ciidamo ka socda Caalamka.

wuxuu yidhi Berbera waa in aan weeraraa oo caalamku ila qabtaa, waa in aan Somaliland la dagaalamaa, ninkaa Soomaali magaalo-magaalo ula dagaalamaya ayaanu Annaguna leenahay illaahayow sharkiisa idinka ururi oo aynu u baahnay in aynu u caqli celino, haddii loo caqli celin waayana in la iska qabtee” ayuu yiri Muuse Biixi

Wuxuu ku tilmaamay   xaalada Soomaaliya in ay  tahay magaalo iyo magaalo kale ku duulaysa, isagoo tusaale u soo qaatay khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada

Dabka ka kacaaya Soomaaliya waa mid aan hore uga kicin, Kismaayo iyo Xamar way is-haystaan oo kismaayo waxay ku duulaysaa Xamar oo maamul goboleedkii ayuu ku duulayaa Farmaajo, wuxuu ku duulayaa tii baydhabo, oo qaylada ka yeedhaysa aad maqlaysaan maantana uu madaxa isu geliyey Baarlamaankii, waxaad arkaysaan ta ka socota cadaado iyo dhuuso mareeb, waxaad arkaysaan gaalkacayo oo qaybsan, waxaad arkaysaan Puntland oo siday uga cabanayso aad arkayseen maalmihii u danbeeyey” ayuu yiri Muuse Biixi, waxaana uu sii raaciyay

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay xiisadda ka taagan degaanka Tukaraq iyo war-saxafadeedkii ay shalay Puntland soo saartay ee safarka Muuse Biixi ku eedaynayay in uu dagaal ka ridayo gobolka Sool,wuxuuna yiri”annagu Puntland iyo garoowe uma soo socono gacan nabadeed ayaanu u fidinaynaa Puntland Iyo Ummaddoo Dhanba” 

Hadalka Muuse Biixi ayaa ku soo beegmaya iyadoo Gollah wasiiradda Puntland ay ku eedeeyeen inuu ciidamo badan ka soo kaxaystay Hargaysa si uu u caburiyo shacabka Laascaanood, dagaal iyo nabadgelyo xumana uu ka abuuro degaanka. waxaa kaloo jira in maleeshiyo ka soo horjeeda Maamulka Somaliland ay xalay weerar ku qaadeen saldhigyada Booliiska Magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

PUNTLAND POST

The post Muuse Biixi oo si adag u dhaliilay siyaasadda madaxweyne Farmaajo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this