Sign in to follow this  
RedSea

Stay out of our waters would you Yemenis?

Recommended Posts

RedSea   

Assalamu Calaykum,

 

For the second time in less than few months the Somaliland coastal guard have captured fisherman from the neighboring country across the Red Sea who were illegally fishing from Somali water.

 

Xigasho: http://www.qarannews.com/pn/modules.php?op=modload&name=News&file=article&sid=8778&mode=thread&order=0&thold=0

 

Waxa galabta ay xukuntay maxkamada gobolka Saaxil ee magaalda Berberi, Sagaalkii doonyood ee sida sharci darada ah uga kaluumaysanaayay xeebaha Somaliland oo doraad lagu soo qabtay meel 50,KM, u jirta magaalada xeebta ah ee Berbera, doonyahan oo ahaa kuwo kaluumaysato ah isla markaasn a kuwo casri ah saaranyihiina qaboojiyayaal casri ahi iyo qalbka kaluumaysiguba. Waxa ay maxkamdu galbta ku riday in ay dawlada Somaliland, la wareegtay dhaman doonyahaasi madaama oo ay si sharci daro ah uga kaluumaysanyeen xeebaha Somaliland, waxa kale oo maxkamada ay xukunka ka khafiifisay xukunkii dhamaan kaluumaysatadii iyo baxaaridii la socday ama watay Sagaalkaas doonyood oo dhamaantoodba ah Yamani, isla markaasna loo mustaafiriyo dalkoodii, iyada oo dhamaan Kaluunkii ay jilaabteena ay la wareegto xukumadu, taasi waxa aay ka danbaysay markii ay qirteen in ay ahaayeen tuugo iyo dad xadaayay Kaluunka xeebaha Somaliland.

 

 

Maxkamdu waxa ay go'aanadasi gaadhay kolkii ay cuskatay qodobada shuurucda xeebaha iyo kaluumaysiga iyo kuwa ciqaabta, isla kolkaasina si dhakhso ah loo mustaafirin doono Tuug badeedydan guranaayay kaluunka Somaliland, madaama oo ay qirteen in ay si tuugo ah u soo galeen biyaha Somaliland.

 

 

Dhanka kalena sida ay wararkale sheegayaan ayaa waxa ay kaluumaysatadani u shaqaynayeen shirkado fadhigoodu yahay dalka Yemen isla markaasna ay leeyahiin Yamaniyiini. Kaluunka Somaliland ee ay la baxaan u dhoofiya wadamda Khaliijka iyo qaar ka mid ah wadamada Yurubta, iyo meelo kaleba oo caalmka ka mid ah tuugadan ma aha markii u horaysay ee ay ku kacaan ee waa arin soo taagnyd in mudo ah, iyaga oo iska dhaga mariyay baaqyo ay xukumada Somaliland ay u diraysay kaluumaysatada sida sharci darada uga kaluumaysanjiray, laakiin hada oo loo helay xalkeedii iyo xasilinteedii maadaam oo ay dawlada

 

 

Somaliland samysatay ciidan bada ah oo tayo leh isla markaasna adeegsanaaya oo ku gaashaaman qalb casri ah way adkaan doontaa in ay dib uga kaluumaystaan biyaha Somaliland tanina waxa ay ay u tahy kuwani saaxiibadood digiinin hor leh oo soo af jarta tuugadii soo taxnayd in mudo ahba.

 

Arintan ilaa hada dawlada Yamani wax war ah kamay soo saarin ilaa inta aan ognahy.

 

A/Kariim S Saalah

Qarannews

Berbera

Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baluug   

Originally posted by Red Sea Casse:

Assalamu Calaykum,

 

For the second time in less than few months the Somaliland coastal guard have captured fisherman from the neighboring country across the Red Sea who were illegally fishing from Somali water.

Simple. Yemen takes your refugees and your fish. Not a bad deal, if you ask me......

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this