Sign in to follow this  
Deeq A.

Gabar Ayeedadeed Sun ku dishay gobolka J/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Sh.M.Network) – Dhacdaan oo laga soo wariyay degaanka Goob-weyn oo dhaca duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubadda Hoose, ayaa waxaa ku lug-yeeshay Gabar da’deeda lagu qiyaasay 15-sano jir.

Wararka ayaa sheegaya in Gabadha oo lagu magacaabo Naciimo Bashiir ay dishay Ayeedadeed dhashay Hooyadeed, taasi oo magaceeda lagu tilmaamay Dahabo Maxamed, sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka.

Sida uu ka dhawaajiyay Guddoomiyaha deegaanka Goob-wyen mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed oo la hadlay warbaahinta, Gabdha ayaa sunta waxay ugu dartay Ayeedeed Cuntadii Cashada.

Lama ogga sababta ku kaliftay inay Naciimo sameyso falkaan, balse dadka degaanka ayaa war-fidiyeenka ugu sharaxay inay timid markii la canaanatay kahor inta aanan la gaarin waqtiga Cashadda.

Sunta ay u adeegsatay dilka oo ay fahfaahinu soo jeedinayaan inay ahayd nooca loogu talagalay Cayayaanka ayaa waxay kasoo iibsatay goobo ganacsi oo ku yaala tuulada laga soo sheegay dhacdadani argagax leh.

Hay’addaha amniga maamulka Jubbaland oo meesha ay wax ka dhaceen tagay ayaa soo qaaday meydka xili ay gacanta kusoo dhigeen Gabdha, oo aanan la ogayn talaabadda xigta oo ay ka qaadi doonan.

Shacabka ku dhaqan degaanka Goobwayn ee gobolka Jubbadda Hoose ee koonfurta wadanka Soomaaliya ayaa waxay si wayn waxay uhadalhayaan dhacdani oo ku noqotay mid layaab leh.

The post Gabar Ayeedadeed Sun ku dishay gobolka J/Hoose appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this