Deeq A. Posted November 23, 2018 Muqdisho (Sh.M.Network) – Xaalada degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ayaa degan markii saacadihii lasoo dhaafay ay dagaalo xoogan ku dhex-mareen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab. Dhanka kale, Maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ayaa wuxuu guulo ka sheegtay dagaaladdaasi. Cabdifitaax Xaaji Cabdulle, gudoomiye ku xigeenka gobolka oo la hadlay idaacadda Shabelle ayaa shaaciyay in rag ka tirsan xoogaga Al-Shabaab lagu dilay dagaaladaasi. Gudoomiy ku xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in degaanada ay ka dhaceen dagaaladda ay haatan ku sugan yihiin ciidamada xoog dalka, ayna baaqi kusii ahaan doonan. Ciidamada dowlada iyo kuwa midowga Afrika ee AMISOM ayaa maalmihii udambeeyay dagaalo iyo howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab waxa ay ka wadeen degaano iyo degmooyin dhaca duleedka magaalada Marka ee gobolkaasi. The post Xaalada degaanadii lagu dagaalamay ee Sh/Hoose oo degan appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites