Sign in to follow this  
Deeq A.

Shuruucdii Waxbarashada dalka oo dib loosoo celinayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Wasiiro Dowlaha Wasaaradda Waxbrashadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle [Jaabiri] oo u waramaayay warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa sheegay in ay dhawaan sameyn doonaan guddi taclinta sare.

Guddiga ayuu daboolka ka qaaday Mr Jaabiri inuu qiimeyn rasmi ah ku sameyn dona tayada tacliinta dalka iyo sidii loo wanaajin lahaa Waxbarashadda Dhalinyaradda Soomaaliyeed.

“Masuuliyadda gaar ah oo nasaaran waxaa ay tahay in ardayga Soomaaliyeed helo Waxbarasho tago leh taasna waxaa looga shaqeyn karaa in aan helno Sharuucdii Waxbarashadda dalka,” ayuu yiri.

Sidoo kale, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashadda ayaa cod dheer ku qeexay in Macalinta Waxbaraya Ardayda Soomaaliyeed laga doonayo in uu soo buuxiyo dhamaan Sharuudihii looga baahnaa Macalin.

Isaga oo sii hadlaya Wasiiro Dowlaha Waxbrashadda ayuu ku daray hadalkiisa: “Taasna waxay tahay mid aan dhamaanteen kawada shaqeyneyno muhiimad gaar ah ayeyna inoo leedahay taas.

Wasaaradda Waxbarashadda xukuumada Soomaaliya ayaa waxay dadaal ugu jirtaa siddii loo sameyn lahaa dhamaan Sharciyadii Waxbarasho ee dalku lahaa xili ay dhowaan soo bandhigtay waxbarasho bilaash ah.

The post Shuruucdii Waxbarashada dalka oo dib loosoo celinayo appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this