Sign in to follow this  
Deeq A.

Khuburo soo dhaweysay dadaalada horumarineed C/qani Saciid Carab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Madaxda xiriirka kubada cagta ee Soomaaliyeed ayaa si balaaran waxaa loogu amaanay horumarka baaxad wayn oo ay ka sameeyeen xaga ciyaaraha gudaha iyo dibadda ee wadanka.

Xoghayaha xiriirka, Jamaal Xaashi Tuure, oo maanta qeyb ka ahaa martida Barnaamijka maxaa ka run ah wixii la sheegay, ayaa sheegay in madaxda xiriirka oo uu ugu horeeyo gudoomiye Cabdiqani Saciid Carab ay guulo soo hooyeen.

Tuure oo fahfaahinaya guulaha ayaa ku tilmaamay in la nidaamiyay ciyaaraha heer Qaran, isaga oo tibaaxay inay haatan hiigsanyaan heer maamul goboleed si looga aas-aaso xiriiro kala duwan

Xaliimo Sacdiyo Sheekh Cumar, oo ah waayajoog hore islamarkaana ku xeel dheer arimaha ciyaaraha ayaa dhankeeda sheegtay in gudoomiyaha xiriirka uu dhabarka u xirtay horumarinta Sportiga dalka xili dhibaatooyin badan ay ka jireen.

Wasaaradda Ciyaaraha xukuumada Soomaaliya ayay Xaliimo si lamid ah ku bogaadisay kaalinta ay ka qaadatay dhisitaanka tuulada Sportiga ee Stadium Muqdisho, halkaasi oo dayactir lagu bilaabay.

Xaliimo oo hadalkeeda sii wadata ayaa waxay tilmaamtay garoonka marka uu dhismo uu xulka qaranka kubadda cagta Soomaaliyeed uu ku marti qaadi doono wadamo kale si ay ula dheelaan kulamo.

Cabdi Qani Saciid [Carab] ayaa la aaminsan yahay in ciyaaraha Soomaaliya soo gaarsiiyay heerka uu maanta marayo, waana tan keentay in  markale loo doorto gudoomiye xilka sii haynayo afarta sano ee soo aadan kadib doorasho Muqdisho ka qabsoontay.

The post Khuburo soo dhaweysay dadaalada horumarineed C/qani Saciid Carab appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this