Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhri Tirada Masuuliyiinta Iska Casilay Xukuumadda Muuse Biixi Mudadaa Yar Ee Sanadka Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

(SL-T Burco) Iyadoo ay Xukuumadda Muuse Biixi hadda sannad jirsatay ayaa waxa isasoo taraya masuuliyiinta iskooda shaqada uga cararaya ee iska casilaya.

waxaana muddadaasi hadda sanadka ah ee uu Madaxweyne Biix Hogaanka dalka hayay  Xukuumaddiisa iska casilay sadex masuul oo xilal sare ka hayay, waxaanay arintaasi Bulshada ku abuurtay wal wal horleh  iyo walaac horleh.

Marwo Khadra Xaaji Gaydh oo ka mid ahayd masuuliyiintii Shidhka ugu jiray Xukuumadii hore ee Siilaanyo islamarkaana ahayd Agaasimihii guud ee Wasaaraddii Madaxtooyadda ee wakhtigaasi ayuu Madaxweyne Biixi markii uu talada dalka ku guulaystay u magacaabay Gudoomiye ku xigeenka Hay’adda Tayada Somaliland, waxaanay iyadoon Xilkaasi la wareegin February 25, 2018 ku dhawaaqday inay iska casishay iyadoo sheegtay inaan waxba lagala tashina islamarkaana  aanu meeqaamka kursigaasi leeyahay ahayn mid u cuntama, iyadoo sheegtay inay hiigsanayso halkii ay joogtay meel ka saraysa,taasi oo bulshada u muujisay inaan Booskaasi magacaabistiisa waxba laga waydiin,waxaanay noqotay masuulkii ugu horeeyay ee Xukuumadda Muuse Biixi iska casilay ama diiday xil loo igmaday.

April 11, 2018  waxaa isaguna Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi iska casilay Agaasimihii guud ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Cabdi Cali Jaamac kaasi oo noqday Masuulkii labaad ee iska casilay Xukuumadda Muuse Biixi. Agaasime Cabdi Cali ayaa sheegay inuu Arimo layaableh kala kulmay Madaxweyne Muuse Biixi taasi oo sababtay inuu gabi ahaanba iskaga huleelo Xukuumadda, oo uu iska casilo. Waxa uu ka sheekeeyay qisas dhex maray isaga iyo Madaxweynaha isagoo bartiisa Facebookga qoraal kooban oo uu kaga warbixiyay iscasilaadiisa ku qaadaa dhigay hadalo ay is waydaarasadeen Madaxweynaha. Waxa  arinta Agaasimahaasi dhawr todobaad lagu faaqidayay baraha Xidhiidhka Bulshashada isagoo markii dambena bilaabay qoraalo taxane ah oo uu kaga sheekaynayay uurkutalooyinkii ku suntanaan Iscasilaadiisa iyo dhacdooyinkii ku lamaan ee aakhirkii gayaysiiyay inuu xilkii uu hayay iskaga huleelo oo uu iska casilo.

Masuulkii saddexaad ayaa Shalay iska Casilay Xukuumadda Muuse Biixi. Masuulkan oo ah Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Xuseen Maxamed Maxamuud (Xuseen Laki) ayaa ka mid ahaa Waftiga Madaxweynaha ee shalay ku sugnaa Magaaalada Burco waxaanu si rasmi u sheegay inuu xilkaasi iska Casilay. Masuulkan ayaa ku sababeeyay inuu shaqada uga tagay “Nidaamka dawliga ah ee dalka ka jiraa Waa mid askariya oo aanay ka muuqan dhaqan kii dawladnimada lagu yaqaanay, waxaa gacanta ku haya koox ciil qabayaala oo qofkii maalin eray ku yidhi ama ka qoray aan ilaawin”. Ayaa hadalkiisa ka mid ahayd.  Isku soo wada duuboo waxa isasoo taraya masuuliyiinta saluugsan hanaanka hogaamineed ee dalka islamarkaana ka tirsan Xukuumadda, kuwaasi oo aan wali wax go’aan ah qaadan balse ay suurtagal tahay inay iyaguna iscasilaan.

 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this