Sign in to follow this  
Deeq A.

Musharixiinta Doorashada Madaxweynaha Puntland 2019 ayaa Madaxweyne Gaas ka dalbaday inuu ka talo galiyo dhismaha Gudiga Doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   

Iyadoo Musharixiinta u taagan Doorashada Madaxweynanimada Puntland ee Janaayo 2019 inta badan wali qabaan walwal ku aadan qaabka uu u socdo qaban qaabada Doorashada ayaa hadana waxay Madaxweynaha ka codsadeen inuu dhakhso u magacaabo Gudiga saldhiga u ah Doorashada oo ah Gudiga Khilaafaad bixinta Soo xulida Xildhibaanada kasoo MadXweynuhu soo magacaabo.

Khaliif Ciise Mudan oo ka mid ah Musharixiinta u tartamaya kursiga Madaxweynaha ayaa yiri “Madaxweynaha waxaan ka codsaneynaa inuu dhakhso usoo magacaabo Gudiga Doorashada uuna soo magcaabida Gudigaas uu ka tala galiyo Musharixiinta.”.




Doorashadii hore ee 2014 Muran xoogan ayaa ka dhashay Soo magacaabida gudigaan kadib markii uu Madaxweynihii wakhtigaas Dr.Cabdiraxmaan Faroole uu magacaabey Gudiga, Waxaana gaashaanka ku dhuftey oo ka horyimid gudigii uu Magacaabay Faroole Musharixiintii wakhtigaas oo uu hor kacayay Madaxweyne prof. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo Musharax ahaa wakhtigaas, Musharixiintu waxay sheegeen inuusan sharci u haysan Madaxweyne Faroole in uu isagu jeebkiisa kalasoo baxo Gudiga Doorashada ee loo bahan yahay inuu kala tashado Musharixiinta kale. Taasna Faroole wuu diidey oo wuxuu ku adkeystay Gudigii uu magacaabay oo 8 xubnood ka koobnaa.

Aakhirkii is jiidjiid wakhti qaatay kadib heshiis ayaa laga gaaray Madaxweynihii xiligaas Dr.Faroole wuxuu aqbalay sharuudo ay soo jeediyeen Musharixiintu oo ahaa in Gudigu uu ka madax banaanaado Madaxtooyada ayna wixii talabixinta ah ay la xiriiraan Isimada soo jireenka ah ayna Isimadu u noqdaan Marjaca Gudiga.

Waxaa hada muuqata 5 sano kadib in Musharixiinta hada tartamaya ay iyana qabaan walaacaas oo kale laakiin Madaxweyne Gaas oo horey Ugadiiday Madaxweynihii ka horeeyey Dr.Faroole inuu kaligiis magacaabo gudiga Khilaafaadka, Muxuu yeeli doonaa hada.

Puntlandi.com
Bosaso

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this