Sign in to follow this  
Deeq A.

Wax Garadka Burco Oo Hungo Kala Kulmay Madaxweyne Muuse Biixi

Recommended Posts

Deeq A.   

Qoor-weynta Beelaha Bariga Iyo Galbeedka Burco Oo Ku Hungoobay Kulamo Gooni Gooni Ah Oo Ay Isugu Diyaariyeen Inay Kula Gar-Naqsadaan Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Halka Ay Xaajadu Ka Qalloocatay!!

6B6D6B04-8430-4D98-AFB9-88630DB5B781.jpe
Xogo Wargeyska Foore ka helay dhaq dhaqaaqyaddii siyaasadeed ee uu Madaxweyne Muuse Biixi sameeyay intii uu ku sugnaa Magaalada Burco ayaa daaha ka fayday inuu si gaar ah iskugu diyaariyay inuu kulamo albaabadu u xidhan yihiin la yeesho Guddiyo la sheegay inay iska soo saareen Beelaha dega Galbeedka iyo Bariga Magaalada Burco, waxaanay wararku sheegayaan inaanay kulamadaasi gabi ahaanba aanay sidii la rabay u qabsoomin oo ay wada baaqdeen,waxaana kulamadaasi intooda badan ay ka qabsoomin waayeen dhinaca Madaxweynaha oo aan sidii hogaamiyayaashii hore isku diyaarin balse dadka u qaabilayay uun si guud.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa iftiimiyay in Beesha Galbeedka BURCO degta oo si weyn uga qayb qaadatay soo dhawayntii Reer Burco ku qaabileen Waftiga Madaxweynaha ay habeen hore u balansanaayeen inay Kulan gaar ah oo balaadhan la qaataan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi balse warar hoose ayaa Wargeyka Foore u xaqiijiyay inuu Kulankaasi baaqday kadib markii ay Gudidii Beeshaasi ka biyo diiday hanaanka uu Madaxweynuhu u qaabilay, iyagoo sida la sheegay Gudidaasi doonayay inay si gaar ah ula kulmaan Madaxweynaha. Wararkan ayaa intaasi ku daray inuu gabi ahaanba Kulankaasi baaqday islamarkaana aanay jirin wakhti dambe oo laga balamay.

Sida ay tilmaamayaan Xogo lagu kalsoon yahay oo naga soo gaadhay Magaaladda Burco ee Caasimadda Gobolka Togdheer oo illaa xalay uu Waftiga Madaxweynuhu ku sugnaa ayaa iftiimiyay in gaar ahaan Gudidii ay iska soo xuleen Galbeedka Burco ee ay Madaxweynaha Habeen hore kulanka u balansanaayeen ay ka dalbadeen Madaxweynaha inay isku keliyaystaan oo uu iska reebo Wasiiraddiisa, arintaasi oo sida la sheegay uu Madaxweynuhu ka diiday islamarkaana uu u sheegay inay iska dhaafaan wasiiradda oo ay sheegtaan danahooda islamarkaana ay soo hor fadhiistaan, waxaanay arintaasi keentay inuu kulankaasi baaqdo kadib markii ay Kooxdii Gudida ahayd ay ku adkaatay inay ka hor garnaqsadaan Madaxweynaha oo ay la joogaan Wasiiraddiisu. Wasiirka Caafimaadka ayaa si gaar ah kooxdaasi u hagayay balse waxaa timid arin qancin wayday Gudidii ay soo wakiisheen Deegaanka Galbeedka Burco.

Source:Wergeyska Foore

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this