Sign in to follow this  
Deeq A.

Iibsiga Saamiyada Dekada Garacad oo Qurbaha ka bilowday iyo dhismihii oo bilaabanaya (Sawiro)

Recommended Posts

Deeq A.   

Dekada Garacad oo Maalmahaan si rasmi ah uu dhismeheeda wajiga kowaaad uu u bilaabanayo ayaa waxaa iyana durba bilowday iibsiga Qandaraasyada Dekada.

Qurba joogta Reer Puntland ayaa loosoo bandhigay iney Saamiyo ka iibsadaan Dekada,Iibsigaas wuxuu kaloo sahlayaa in Dekada dhismeheedu uu sahlanaado lana dardar galiyo.

iibsiga Saamiga ayaa wuxuu hada ka bilowday Dalalka Yurub iyadoo qiimaha ugu yar ee lagu iibsan karo Saamiga uu yahay 3500 USD, ama kooxdii saami wada iibsanaysa 75.000 USD oo ah qiimaha ugu sareeya, Dabcan dhinaca kalena Qiimuhu wuxuu ku xiran yahay Saamiga uu qofku iibsanayo intuu baaxad le’egyahay.




Qubarada dhisaysa Dekada ayaa waxay hada ku Sugan yihiin Garacad waxayna dhowaan sirasmi ah u bilaabayaan Dhismaha iyadoo dhismaha Dekada Garacad uu yahay Mashruuc ay hirgalinayaan Shacabka Reer Puntland iyagoon wax gacan ah ka helin gacan shisheeheye iyo Xukuumadaha Dalka ka jir midnaba.

Ganacsatada Gobolka Mudug ayaa gacanta ugu wayn ee Maalgalinta Dekada ka geysanaya iyadoo lagu rajo wayn yahay in Qandaraasyada ay Qurba joogtu iibsanayaan uu noqdo Gacant labaad ee Maalgalinaya Dekada,amaba lagaba yaabee iney Qurba joogto noqdaan Maalgaliyaasha ugu weyn Dekada.

Gudiga Dhismaha Dekada ayaa maalmahaan waxay wadaan dardar galinta dhismaha Dekada iyagoo gudiyo hoosaadyo ka sameeyey Wadamo dhowra oo ay ka mid yihiin UK, Sweden, Denmark iyo Magaalooyinka Minneapolis ,Seattle ee Dalka Maraykanka.

Dowlada Puntland oo horey u balan qaaday iney qayb ka geysanayso Dhismaha Dekada ama ay Mashaariic Caalami ah uga raadinayso wadamada Deeqaha bixiya ayaan ilaa hada wax wara ama dhaqaale ah aan laga hayn.

cad9-640x427.jpg

B6C61E61-585F-4F6C-92A9-A25B3C99FA2C.jpe

cad-640x427.jpg

cad3-640x427.jpg

hqdefault.jpg

dekada-534x462.jpg
ciidamo-badda4.jpg

ciidamo-badda1.jpg

cad.jpg

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this