Sign in to follow this  
Deeq A.

Faysal Waraabe oo kahor yimid go’aankii Muuse Biixi ee DFS

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Sh.M.Network) – Eng Faysal Cali Waraabe ayaa wuxuu ka hor-yimid go’aankii uu Madaxwaynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ku hakiyay wadahadalka ay la galayaan dowlada dhexe ee Soomaaliya.

Waraabe ayaa cod dheer wuxuu ku sheegay in wadaxaajoodka uu muhiim u yahay maamulkiisa, isaga oo ku nuux-nuux saday in Muuse Biixi uusan joojin karin geedi-u-socodka wadahadaladda oo muddo soo socday.

Gudoomiyaha xisbiga UCID ayaa hoosta ka xariiqay in go’aanka ay ku galeen wadahadalka uu ahaa mid loo dhan yahay, isaga oo tilmaamay in mar kasta loo baahan yahay inay isla og-yihiin xisbiyada degaanadaas ka jira.

Hadalkaan ayuu Faysal Cali Waraabe ka sheegay kadib markii uu shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, wuxuuna waji soo xoojinayaa khilaaf udhaxeeyay bilooyinkii dambe xisbiga talada haya iyo kuwa mucaaradka.

The post Faysal Waraabe oo kahor yimid go’aankii Muuse Biixi ee DFS appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this