Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump Oo Ku Hanjabay Inuu Xidhi-doono Xadka Mexico

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu xidhi doona xadka Mareykanka uu la wadaago dalka Mexico, sidoo kale na uu joojin doono xidhiidhka  ganacsi ee dalkiisa kala dhaxeeya Mexico, haddii qulqulka muhaajiriinta ka soo jeeda badhtamaha  Amerika ay horseedo kala dambeyn la’aan.

ED726B53-88BA-4D5E-9738-D045E20796FF.jpe

Trump ayaa sidoo kale sheegay inuu ku amray ciidammada Mareykanka ee jooga xadka Mexico inay adeegsadaan xoog, haddii loo baahdo.

Dowladda Mareykanka ayaa maalintii isniinti bilawday inay ka arrinsato sidii bara kontorool loogu sameyn lahaa qulqulka muhaajiriinta.

” Waxaa aanu xidhi  doona waa dhamaan xuduudaha Mexico uma suurtagaleyso inay baabuurtooda u iib geeyan Mareykanka ” waxaa sidaasi weriyeyaasha u sheegay Trump.

Kumanaan muhaajiriin ah oo ka kala yimid dalalka bartamaha Amerika oo soo safray masaafo dhan 4 kun oo kiloomitir ayaa ku sugan xadka Mareykanka uu la wadaago wadanka Mexico.

Dadkan ayaa waxaa ay shegeen inay ka soo cacareen faqri, colaado iyo dhibaatooyinka taagan dalalka ay ka soo jeedaan oo o kala ah Honduras, Guatemala iyo El Salvador..

Xukuumadda madaxweyne Trump ayaa ciidaamo gaaraya 5,800 u dirtay xadka Mexico, iyadoo na qulqulka muhaajiriinta ku tilmaamtay dad duulaan ku ah Mareykanka.

” Haddii xaaladda muhaajiriinta ay gaarto heer ay wax ka qaban weyno, ama ay dadku dhibaato soo gaareyso, waxaan xiri doonaa halka laga soo galo dalka in muddo ah, ilaa iyo inta ay xaaladda ka hagaageyso” waxaa sidaasi yiri madaxweyne Trump.

Hadalka Trump ee ah in haddii laga maarmi waayo la adeegsan doono xoog ayaa yimid kadib markii wasiirka difaaca ee Mareykanka, JamesMattis uu sheegay in ciidammada jooga xuduuda laga qaadi doono hubka.

Ku dhawaad saddex kun oo muhaajiriin ah oo ka soo jeeda baratmaha qaaradda Amerika ayaa sooo gaaray magaalo ku taala xuduudda Mexico oo la yiraahdo Tijuana, kadib markii ay ka soo tallaabeen qeybo badan oo kamid ah dalkaasi iyo dalal kale.

2,750 kamid ah dadkan ayaa qaab qaxootinimo ah isaga dhiibay magaaladaasi, halkaa oo laga siiyay guryo ay degaan. Duqa magaalada Tijuana ayaa sheegay in muhaajiriin kale oo gaaraya toban kun ay rajeynayaan inay soo gaaraan magaaladiisa maalmaha soo socda.

Dowladda Mareykanka ayaa waxaa ay ka digtay in qofkii lagu hela inuu si sharci darro ah kusoo galay Mareykanka la xiri doono, dibna loogu celi doona dalkiisa, hasyeshee dadkan ayaa waxaa ay shegeen inay yihiin dad noolal raadis ah, ayna doonayaan in msutaqbal wanaagsan ka helaan Mareykanka, halka qaar na ay doonayaan inay la midoobaan eheladooda oo Mareykanka ku nool

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this