Sign in to follow this  
Deeq A.

Khuburo ka digay in waxa kaliya ay isku haya Somalia ay meeshi ka bixi rabaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ayaa ka badan 20,000 oo askari, waxaana dalalka ugu badan ee ciidamo ay ka joogaan Somalia kamid ah Kenya, Uganda iyo Ethiopia, waxayna Somalia soo galeen sanadkii 2007 si ay ula dagaalamaan Al Shabaab.

Howlgalka ciidamadaan ay u joogaan Soomaaliya ayaa la qorsheynayaa in lasoo dhameeyo, ciidamada dowladda Soomaaliya ayaana la wareegaya masuuliyadda amaan ee dalka, laakiin ka bixitaanka AMISOM ee Soomaaliya ayaa laga digayaa.

Khuburada dhanka amaanka ayaa ka digaya in ciidamada AMISOM ka baxaan dalka Soomaaliya, waxaana ay sheegayaan inay abuuri karto xasarad Al Shabaab u sahleyso inay dib usoo noolaadaan , iyadoo ciidamada meletariga aysan awood u laheyn buuxinta booska AMISOM.

Midowga Yurub ayaa laf dhabar u ahaa AMISOM waxaana bil kastaa  ay siinayeen AMISOM €700,000, iyadoo markii dambe loo kordhiyay oo la gaarsiiyay 25 Milyan oo Yuuro si ay ula dagaalamaan Al Shabaab.

Dalalka Caalamka ee taageerada AMISOM ayaa la socda halista ka dhalan karta bixitaanka AMISOM ee Soomaaliya, waxayna qabaan in la diyaariyo ciidamada Qaranka Soomaaliya si ay u ciyaaraan doorka ciidamada nabad ilaalinta caalamiga ah.

“Uma malaynayo inay buuxin karaan booska AMISOM” Sidaasi waxaa yiri Patrick Mutahi, oo ka tirsan Xarunta xuquuqda aadanaha iyo cilmi baarista iyo quburo Soomaaliyeed.

“Booliska Soomaaliya iyo ciidanka kale, waxaa xaqiiqo ah inay tabar daran yihiin awood ahaan, Sidaasi si lamid ahna Al Shabaab waxay ka faa’ideysan doonaan Fursadda waxayna sii wadi doonaan weeraradooda”ayuu Mr Mutahi kusii daray.

Qiimeyn lagu sameeyay ciidamada amaanka Soomaaliya ayaa lagu ogaaday in 30% aysan heysan hubka aasaasiga ah ee lagu dagaalamo, waxaana qabiilada ay kasoo jeedaan ay ka helaan hubka ay adeegsadaan, taasina waxaa la sheegaa inay caqabad kale noqon doonto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this