Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Aadan Madoobe oo ka digay hal arin oo DF la sheegay inay ka wado Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur “Aadan Madoobe” ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee ka jirta deegaanada Koofur Galbeed,  gaar ahaan magaalada Baydhabo oo dhawaan doorasho ay ka dhaceyso.

Xildhibaan Aadan Madoobe , ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay faragelin toos ah ku leedahay doorashada Koofur Galbeed, waxaana uu ka digay in haddii faragelinta sii socoto aysan halkaasi ka dhici doonin wax lagu wada qanacsan yahay.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Shacabka Koofur Galbeed ay yihiin kuwo dulqaadan badan oo aan dooneyn in wax lagu qasbay ay hogaamiyaan, taasina ay caqabad noqon doonto haddii ay dhacdo.

Isaga iyo xildhibaano kale ayaa magaalada Baydhabo ku sugnaa muddooyinkii ugu dambeeyay, waxaana marar badan ay dhaliileen hanaanka dowladda Soomaaliya ay wax u wado.

“Waxaan dareemeynaa jajuub, Soomaaliya Jajuub kama soconayo, dastuur ayaa jira oo lagu heshiiyay, dhibaato in halkaan laga abuurana ma dooneyno, Shacabka waxay rabaan ayaa halkaan ka soconayo, kama socon doonaan waxa dowladda rabto”ayuu yiri Aadan Madoobe.

Magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, waxaa ka socdo ololihii ugu dambeeyay ee doorashada Koofur Galbeed oo lagu balansan yahay 5 Bisha soo socoto ee December.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@Live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this