Deeq A. Posted November 23, 2018 Muqdisho (Sh.M.Network) – Ciidamada dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wali waxa ay howlgalo kawadaan deegaano dhaca duleedka degmada Marko ee gobolka Shabeellaha Hoose. Howlgaladaan ayaa ka dambeeyay kadib markii saacadihii la soo dhaafay uu dagaal kharaar ku dhexmaray Deegaano iyo degmooyin hoostaga gobolka xoogaga Al-Shabaab iyo ciidamada xooga dalka. Maxamed Ibraahim Barre, gudoomiyaha gobolka oo u waramay idaacadda Shabelle ayaa ku tilmaamay ujeedka howlgalada mid la’isugu furayo wadooyin hoostaga magaalooyinka Marko iyo Gandershe ee gobolkaasi. Ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa dhawaan bilaaway guluf balaaran iyo howlgalo ka dhan ah xarakada Al-Shabaab, kuwaas oo wali ka socda deegaano dhowr ah oo dhaca gobolka shabellaha hoose. The post Ciidanka DFS oo howlgalo kawada Shabellaha Hoose appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites