Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo maanta la kulmaya madaxweynaha Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya,Maxamed Cabdullaahi Maxamed(Farmaajo) ayaa soo geba-gabeeyay booqasho rasmi ah oo uu muddo saddex cisho ah ku joogay dalka Talyaaniga.

Madaxweynaha ayaa intii uu Rome ku sugnaa waxa uu wada hadallo la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Giuseppe Conte iyo Madaxweyne Sergio Mattarella, isaga oo inta aanu soo ambabixin kulamo la qaatay Afhayeennada labada aqal ee Barlamaanka Talyaaniga Marwo Maria Alisabetta Casellati iyo Mudane Roberto Fico.

Wada hadallada uu Madaxweynaha la yeeshay dhammaan madaxda Talyaaniga ayaa diiradda lagu saarayay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, waxbarashada, maalgashiga iyo horumarinta,sida lagu sheegay war-murtiyeed ka ka soo baxay Villa Somalia

Waxaan aad u mahadcelinayaa Madaxweyne Mattarella, Ra’iisul Wasaare Conti iyo Afhayeennada labada aqalka sida dirran ee ay noo soo dhaweeyeen aniga iyo wafdigayga. Soomaaliya iyo Talyaaniga waxay si wadajir ah uga shaqeynayaan sidii aan horumar faa’iido wadaag ah aan u gaarsiin lahayn labadeenna shacab” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa haatan ku sugan magaalada Istanbul halkaas oo uu maanta wada hadallo kula yeelanayo Madaxweynaha Turkiya Mudane Rajab Dayib Erdogaan.

Screen_Shot_2018-11-23_at_6.16.03_AM-681 IMG_9564-681x454.jpg?resize=681%2C454&ss 275dae0f-6bc1-4378-9615-e68592a7c816-681 IMG_9573-681x511.jpg?resize=681%2C511&ss IMG_9557-681x454.jpg?resize=681%2C454&ss

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo oo maanta la kulmaya madaxweynaha Turkiga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this