Sign in to follow this  
Deeq A.

Dabaylo Siigo Cas Wata Oo Ku Dhuftay Dalka Australia.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Australia)Dabayl xoog badan oo ciido wadata ayaa ku dhufatay bulshooyinka ku dhaqan koonfurta bari ee dalka Australia, midabkii cirka ayaa jaale isu badalay waxaana jira walaac laga qabo tayada hawada.

90016244-348E-49B4-91CE-24A46569AC7E.jpe 3ABFFF01-1F76-49C0-9EBB-4C1E55B54633.jpe

Masuuliyiinta ayaa dadka ku nool magaalada Sydney u diray fariin caafimad Khamiistan, dabaysha ayaana sababtay in ay dib u dhacaan duulimaadyo.

Deegaanno badan oo ku yaalla New South Wales ayaa wajahaya dhibaatooyin ay ka mid yihiin aragga oo aad u liito siigada ka caysa awgeed.

Masuuliyiintu waxay sheegeen in dhibaatadan ay ka dhalatay dabaysha qaadaysa ciidda ingagan ee dhulka.

Gobolka New South Wales waxaa ka jira abaar ba’an oo ku dhufatay bishii Agoosto, sida ay shaacisay xafiiska saadaasha hawada ee dalka Australia

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this