Sign in to follow this  
Deeq A.

Kaftanka Maanta, Hoostay Ka Wadda Nugaysaa.

Recommended Posts

Deeq A.   

Sheekaba sheeko ayay keentaaye, waxa la yidhi beribaa nin wadaada oo reer magaala ayaa dadka sigaarka Ka wacdiyi jirey , wadaadku nin Abu xaraare ah buu ahaaye ,marka uu damco in uu xabad shido wuxuu samayn jirey go shaala intuu qaato ayuu si fiican u hagoogan jirey , sigaarkana hoosta Ka jiidi jirey ,markuu wacdi bilaabana markasta mawduca u Ka hadlaa sigaarka ayuun buu ahaa , waxaanu hal Hays u lahaa kii nuugaaba naartu way nuugi .

D0C9439A-5B03-4B89-9A96-B5ACAE9CE83F.jpe

Waxay siddii ahaataba , sheekhii balwadii dadkii oo dhanbaa Ku bartay ,in laggu cadeeyana waa lagala baqday , hadaba maalin maalmaha Ka mida isagoo sheekhii wacdigii wada ayuu

sigaarkii soo hadal qaaday ,markaasuu intuu jibooday aad ugu fogaaday, markaasuu intuu dadkii la hadlay yidhi Ka warama. Ninka sigaarka caba , dabeeto nin sida sheekha sigaarka qarsada in lagu dacaayadeeyana Ka baqday bàa ugu jawaabay, sheekh hebeloow hoostay Ka wada nuugaysaye ,wacdiga inoo wad ,imika waa halkaase garxajisowoow ilmaadeerayaal hoostaynu Ka wada nuugaynaaye , bahasha ama aynu wada cadaysano ama aynu iska wada dayno , hoos Ka nuigidu inaga socon maysee .
W/Q: Ahmed Nour Guruje

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this