Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo weerar ku “dilay 12 askari oo ka mid ah ciidamada Bancroft”

Recommended Posts

Deeq A.   

Wanlaweyn (Caasimadda Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa weerar dhabagal ah la beegsasay ciidamo ka tirsan Millatariga dowladda kuwaasi oo xalay saqdii dhexe  ku socdaalayay wadada laamiga ah ee isku xirta degmooyinka Afgooye iyo Wanlaweyn.

Shabaabka weerarka qaaday iyo ciidamada dowladda ayaa waxaa dhexmaray dagaal culus oo socday saacad iyo wax ka badan, iyada oo dhinacydan ay isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen inta uu dagaalka socday inay maqleen qaraxyo xoogan oo lala helay kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidanka dowladda.

Idaacadda Andalus ee ku hadasha afka Al Shabaab ayaa baahisay in weerarkaasi lagu dilay 12 askari oo uu ka mid ahaa sarkaalkii ciidankaasi hoggaaminayay.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in khasaaraha ugu badan uu ka dhashay qaraxyo is xigxigay oo lala helay Saddex gaari Cabdi Bile ah oo galbinayay sarkaal sare  oo ka tirsan ciidanka Bancroft.

illaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin taliska ciidamada Millatariga dowladda federaalka Soomaaliya oo ku aadan khasaaraha ka dhashay weeraradii xalay ka dhacay wadada laamiga ah ee xiriirisa Afgooye iyo Wanlaweyn.

Caasimada Online
Xafiiska Wanlweyn
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this