Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Dagaallo Ka Socda Sh/hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Dagaallo xooggan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa waxay ka socdaan deegaanno ka mid ah gobolka Shabellaha Hoose.

Wararka ay heshay Goobjoog News, ayaa waxay sheegayaan in dagaalladan ay bilowdeen kadib markii ay ciidanka xoogga dalka weerar ku qaadeen fariisimo ay Al-shabaab ku lahaayeen deegaannada Gandershe iyo Jilib Marka.

Ciidamada weerarkan qaaday ayaa ka baxay dhanka magaalada Marka iyadoo weli lasoo sheegayo in dagaalka yahay mid socdo.

Waxaa jira khasaare kala duwan oo ka dhashay dagaalladan, balse lama hayo inta khasaarahan uu la egyahay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

 

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this