Deeq A. Posted November 22, 2018 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa barqanimadii maanta dil ka geystay gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho. Dilka ayaa ka dhacay qeybta Bakaashka ee Suuqaasi, iyadoona la sheegay in loo geystay Ganacsade ku sugnaa halkaasi. Sida ay Shabelle u xaqiijiyeen Goobjoogayaal Ganacsadaha ayaa laga dhex toogtay goobtiisa Ganacsiga. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Raggii ka dambeeyay dilkaasi ay goobta isaga baxsadeen. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa lagu soo warramayaa in dilka kadib ay gaareen halkaasi, kana sameeyeen baaritaano kooban. Welina ma jiro wax hadal oo ay saraakiisha laamaha amnigu ay ka soo saareen dilkaasi. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa gudaha Suuqa Bakaraaha ka dhacayAY dilal qorsheysan oo qaarkood loo geystay Askar ka tirsanaa Ciidamada dowladda Soomaaliya. The post Dabley hubeysan Oo dil ka geystay Suuqa Bakaaraha appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites