Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo Gadoodsan Oo xiray isku socodka Baladweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Baladweyne ( Sh. M. Network )-Ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan guutada 5-aad ee gobolka Hiiraan ayaa barqanimadii maanta isku geedaamay nawaaxiga Buundada Liiqliiqato oo ku taalla xaafadda Howlwadaag magaalada Baladweyne ee xarunta gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadani oo aad u fara badan ay ka Gadoodsan yihyiin Mushaar la’aan heysata muddo dhowr bilood ah.

Ciidamada ayaa hakad galiyay dhaq dhaqaaqa Buundada Liiqliiqato oo isku xirta xaafadaha Howlwadaag iyo Kooshin ee magaaladaasi.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka oo aan la xariirnay ayaa sheegay in markii dambe la xaliyay tabashada Ciidamadaasi, islamarkaana qeyb ka mid ah ay dib ugu laabteen Xeryahooda.

Sidoo kale waxa ay saraakiishu intaasi ay ku dareen in ay socdaan dadaallo lagu doonayo, sidii ay xaquuqdooda u heli lahaayeen Ciidamada Xoogga dalka ee ka howlgala gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Indhawaanahan ayaa waxaa taagnaa cabashooyin la xariira dhinaca Mushaaraadka oo ay ka cabanayeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya e, gaar ahaan kuwa  ku sugan furumaha dagaalka.

The post Ciidamo Gadoodsan Oo xiray isku socodka Baladweyne appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this