Deeq A. Posted November 22, 2018 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Qaramada Midoobay ayaa abaal marinta sanadlaha ah ee dhanka Haweenka Booliska oo ay bixiso guddoonsiisay Phyllis Ama Tebuah Osei oo ka tirsan xafiiska QM Soomaaliya ee UNSOM. Haweeneydan oo ka soo jeeda dalka Ghana, kana howlgaleysay Soomaaliya muddo sanad ah ayaa ku guuleysatay abaal marinta 2018-ka. Ms Osei ayaa lagu bogaadiyay howlaha tababarada dhanka Haweenka oo ay ka soo qabatay maamulka Jubbaland ee Soomaaliya, iyadoona la sheegay intii ay ka howlgaleysay maamulkaasi tababar dhanka Booliska ah ay siisay ku dhawaad 50 Haween ah, kuwaasi oo ka tirsan Booliska Jubbaland. Sidoo kale waxa ay Haweenka Booliska ah ka taageertay arrimaha ilaalinta Xuquuqul Insaanka iyo Cadaaladda. Howlgalka QM ee Soomaaliya ayaa ah deeq bixiyaha ugu weyn ee Ciidamada AMISOM, kuwaas oo tababara Ciidamada DFS a iyo kuwa maamul lada dalka. The post QM Oo abaal marisay sarkaal ka tirsan howlgalka UNSOM appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites