Sign in to follow this  
Deeq A.

Ku dhawaad 20 ka tirsanaa Al Shabaab Oo lagu dilay Sh/ Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Marka ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyay Al Shabaab iyo Ciidamada dowladda oo saaka ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfurta Soomaaliya.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu yimid, kadib markii Ciidamada Milatariga Soomaaliya ay weerar ku qaadeen fariisimo Al Shabaab ay ku leeyihiin nawaaxiga deegaanka Gandarshe ee gobolkaasi.

Waxaana la sheegay in halkaasi ku dhacay dagaal foolka fool ah o u dhexeeyay labada dhinac.

Maxamed Ibraahim Barre guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyay dagaalkaasi.

Guddoomiye Barre ayaa sheegay in halkaasi lagu dilay 19 ka tirsanaa Al Shabaab, sidoo kalena lagu dhaawacay tiro intaasi ka badan, sida uu hadalka u dhigay.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/nuuradiin-.mp3

The post Ku dhawaad 20 ka tirsanaa Al Shabaab Oo lagu dilay Sh/ Hoose appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this