Sign in to follow this  
Deeq A.

Diyaarado dagaal Oo warqado Digniin ah ku daadiyay Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Xarardheere ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Mudug ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay diyaarado dagaal ay Warqado digniin ah ku daadiyeen Koonfurta Gobolkaasi.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in diyaarado ku socda Jawi hoose ay Warqadahaasi ay ku daadiyeen Tuulooyin hoosyimaada degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Sida la sheegay waxaa Warqadahaasi ku qornaa digniin la xariirta in dadka Rayidka ah ay ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin Dagaalyahannada Al Shabaab.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa diyaarado dagaal oo aan la garaneyn halka laga leeyahay ay duqeymo ka fulinayeen deegaano ka tirsan gobolkaasi.

The post Diyaarado dagaal Oo warqado Digniin ah ku daadiyay Mudug appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this