Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo war ka soo saartay safarka Muuse Biixi ee gobolka Sool

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1542890586903.jpg?resize=720%2C47Camey iyo Gaas oo is dhinac-fadhiya shirka Golaha wasiirada

Dowladda Puntland ayaa war ka soo saartay safarka madaxweynaha Somaliland ee ku wajahan gobolada ay ku muransan yihiin labada dhinac,gaar ahaanna gobolka Sool oo ay ka jirto xiisad colaadeed.

War-murtiyeed ka soo baxay shirkii Golaha wasiirada Puntland ee Khamiista maanta ah ayaa lagu sheegay in safarka Muuse Biixi uu hadafkiisu yahay in dagaal laga rido gobolka Sool,islamarkaana la laayo shacabka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaasi.

Dhinaca kale war-murtiyeedka ka soo baxay shirka ayaa looga hadlay xeerarka ay diyaariyan wasaaradaha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ee laga ansixiyo Baarlamanka,waxaana Puntland sheegtay in xeerarkaasi aysan khusayn maadaama aan lagala tashan,sida qoraalka lagu xusay.

FB_IMG_1542890594051.jpg?resize=720%2C10

PUNTLAND POST

The post Puntland oo war ka soo saartay safarka Muuse Biixi ee gobolka Sool appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this