Sign in to follow this  
Deeq A.

Ganacsade Lagu Diley Boosaaso Iyo Howlgallo Socda

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Puntland ayaa howlgallo ka wada magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, kadib ganacsade maanta lagu diley magaaladaasi.

Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in ciidamadan ay baaritaan ku hayaan qaar ka mid ah xaafahada magaalada Boosaaso ay ka kooban tahay.

Rag ku hubeysan Bistoolado ayaa la sheegay iney dileen Saabir Axmed Cali oo ka mid ah ganacsatada Boosaaso, iyaga oo dhaawacay Labo qof kale oo ganacsato ahaa.

Raggii dilkaasi ka dambeeyey ayaa isaga baxsaday goobta ay falkaasi ka geysteen.

Ammaanka magaalada Boosaaso ayaa maalmahan dambe ahaa mid faraha kasii baxayey, waxaana magaaladaasi kusoo kordhay dilalka qorsheysan.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this