Sign in to follow this  
Deeq A.

Waddamada Khaliijka Oo U Kala Dheeraynaaya U Dhawaanshaha Israel

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Israel)Lixda dal ee Khaliijka Carabta ku midoobay ayaa tartan ugu jira in waddan walbaa uu noqdo midka koobaad oo xidhiidh toos ah la samaysta  Xukuumadda  Yahuuda ee  Israel, waxaa sidaas shaaciyay ilo xog ogaal ah.

5C6C3B57-7848-48B1-B64D-0D2D14C9B3EC.jpe

Madaxweynaha Hay’addaha Isfahamka Jinsiyadeed ee Israel, Marc Schneier ayaa shaaca ka qaaday in wadamadaasi ka tirsan Khaliijku ay  tartan  ugu jiraan sidii midkood u noqon lahaa wadan xidhiidhka Ugu dhaw ee  diblomaasi la sameysta Israel.

“Waxaan aaminsanahay in la arki doono, sameynta xiriirka toos ka ah ee Baxreyn, kuwa kalana wey ku raaci doonaan” sidaasi waxaa yidhi Marc Schneier oo ah baadari Yahuud ah, isaga oo ku saleeyay hadalkiisa kadib booqashadiisii Sacuudiga, Cumaan, Baxreyn, Qatar iyo Imaaraatka Carabta 15 kii sano ee lasoo dhaafay.

Wuxuu intaasi ku daray in hanjabaadii Iran ay sababtay in isbadal uu ku yimaado wixii laga aamisanaa Israel, isaga oo sheegay in dalalkaasi ay u muuqdaan kuwa ugu horeeya ee xiriir diblomaasi la sameyn doono Yahuuda.

Sida uu leeyahay Marc Schneier oo Mareykanka ku dhashay, Boqorka Qatar maamula iyo hogaamiyaasha Sacuudiga ayaa sheegay in isku dhafka Hantida ama dhaqaalaha Khaliijka iyo aqoonta Yahuuda ay dhalin karto inay gobolka u badasho goobta ugu wanaagsan dunida.

Wuxuu sheegay in xiriirka Diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya Israel iyo lixda wadan ee Khaliijka uu bilaaban doono sanadka 2019, taasi oo ka dambeysay xaalada nabadeed ee Dhulka Falastiiniyiinta.

Marka laga reebo Masar iyo Jordan oo heshiis Nabadeed la galay Israel, waxaa loo malaynayaa inaysan xiriir toos ah yeelan doonin wadamada kale ee Carabta iyo Israel.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this