Deeq A. Posted November 22, 2018 (SLT-Moscow)Taliyihii sirdoonka milatariga Ruushka Jeneraal Igor Korobov ayaa geeriyooday isaga oo 62 jir ah, sida ay shaacisay wasaaradda gaashaan dhigga ee dalka Ruushka. Jeneraal Igor ayaa xilkan qabtay sannadkii 2016, waxaana la sheegay in uu Arbacadii u geeriyooday xannuun daran oo wakhti dheer soo hayay. Sirdoonka milatariga Ruushka oo magaciisa loo soo gaabiyo GRU ayaa lala xiriiriyay weerarkii kiimikada neerfaha waxyeesha loo adeegsaday ee ka dhacay Britain kaas oo lagu bartilmaameedsaday Sergei Skripal oo horay uga tirsanaan jiray sirdoonka Ruushka iyo gabadhiisa. Jeneraal Igor ayaa la fahamsan yahay in uu dhaleecayn kala kulmay masuuliyiinta Ruushka isagoo loo haystay in hawlgalkaasi uu fashilmay. Weerarka 4 bishii Maarso lagu qaaday Skripal oo 66 jir ah iyo gabadhiisa Yulia oo 33 jir ah ayaa horseeday in isbitaal lagu dabiibo toddobaadyo. Source Share this post Link to post Share on other sites