Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaalka Dakadaha 22/11/18 …………. By: Khadar Adam Aw Muuse

Recommended Posts

Deeq A.   

Boqortooyadii cismaaniyiintu wxay ahayd boqtooyo taariikh wayn kulahayd caalamka gaar ahaan islaamka ,waxayna islaamka gaadhsiisay dhamaan caalmka markaa intii layaqaanay , waxayna haysatay dhamaan dhulaalka manta ay degen yahiin dadka loogu yeedho carabtu, waxayna gacata ku haysay dekadahooda iyo siyaasadoodaba, dagaalkii kowaadna waxa uu ahaa dagaalkii boqortooyadii cismaaniyiinta runtii lagu mu aamaradeey

Waxaayaabo badan badaa ka dhacay aduunka intii uu socday dagaalkii kowaad ee aduunku ,waxaana loogu magacaabay dagaalkii kowaad waxaa ka qayb galay dhamaan midabada dadka aduunka ku nool, waxaanu dagaalku u dhaxeeyey badankiisu xulafadii farnsiiska ,ingriiska ,iyo jarmalka ,iyo boqortooyaii cismaaniyiintu oo dhinac ahaa markaa

Hadii aynu soo qaadano

dagaalkaas iyo waxayaabahii uu la gu xasuusto ,gaar ahaan boqortooyadii cusmaaniyiinta iyo dagaalkii ku dhexmaray qabiiladii carabta oo uu kow ka aha sacuudigu , waxaana mandaqada jaziirada carabta isku raacraacay dagaalo dhowar waxaana ka soo qaadan karnaa dagaalkii dhexmaray carabta jaziirada deganayd iyo xulufadeedii ay is gaashan buuraysanayeen oo ahaa ingriiska iyo faransiiska , iyo ciidamadii boqortooyadii cismaaniyiinta oo dhinca ahaa,
Waxayna ahayd ciraaq iyo jaziirada carabtuba xudunta halkii uu ku soo gabogaboobay jabiintii ciidamadii boqortooyadii cismaaniyiintu, gudo iyo dibadba , dunidan loo bixiyey dunida sadexaadna waxaa uu daagaalku u aha kacaan garahaan carabta kacaan wayn oo bilaabmay 1914kii socdayna ilaa 1918kii

Sanadkii 1916kii waxaa lagu qaaday ciidamadii cismaaniyiinta ee joogay maka iyo madiinaba dagaalo qadhqadhaadh iyo weeraro kulkulul oo markaa deganaa maka iyo madiina , mudo yar kadibna quwadahii kacdoonku waxay gaadheen guulo ,waxaayna gadoomiyeen labdii qalcadood ee marka iyo madiina waqti sidaas udheerna kumay qaadan in ay isdhiibaan ciidamadii qalcadii maka ,in yar kadibna waxaa ciidamo xoojin aha oo kuwa madaafiicdaa usoo diray ingriiska si ay u taageeraan ciidamada carabta ,

Laakinn qalcadii madiina way adkaysatay waxaan xoojini uga timid dhinaca suuriya iyadoo loo soo marinayo wadada treenka ee xijaas ,taasina ay sababtay in turkigu adkeeystaan qalcadii madiina, intaas kadibna ciidamadii maka ee turkigu waxay bilaabeen in ay ka gurgurtaan maka iyagoo jabay awgeed kana baqaya in ay xoojini utimaado dagalaalyahanka carabta, waxayna ciidamada turkigu si aad aha uga sii baqo qabeen in ay soo gaadhaan ciidamo uu wato ,amiir faysal binu shariif xuseen bnu cali,

Inbadan ciidamada turkigu waxay sii joogeen bada cas oo ay deganayeen dhamaan dekada bada cas, ,quwadahii carabtuna waxay halkaa ku sugayeen sadex jiilaal, ilaa si nidaamsan ay quwadahii turkigu uga baxeen halkaas, tiiyoo taasi jirtan hadan quwadahii caraabtu waxay dhabarka ka werareen jidkii ay taageeradu u soo maraysay ciidamada turkiga , taaso oo ahyad wadii tareenka ee xijaas oo dhererkeedu dhamaa 1300km oo u dhaxaysa dimishiq iyo madiina ,ciidamadii turkigana waxay is haleeleen ciidamadii uu watay faaysal ee maka iyo rabaaq waxayna u jihaysteen dhinac waqooyiga mandaqada, waxayna 1917kii horaantiisii ciidamadii qabiiladii carabtu weeraro joogta ku hayeen ciidamadii turkiga , mudana waxaa qalcadii madiina ku gadoonsanaa ciidamo turkiya oo uu hogaaminayo janaral cumar fakhru diin baasha, ,akhirkiina 1919kii ay gacanta u oo gashay dhamman mandaqadii xijaas, qabiiladii carabta ee halkaas deganaana kana mid noqdeen dulaankii waynaa ee uu hogaaminayey cabdi casiis al sacuud ,

Intaas kadib waxaa ay dowladhii ingriiska iyo farsiisku iyo hindiya oo la xulufo la ahayd waxay u soo direen masar iyo waqooyiga afrika ciidamo ladagaalama ciidamadii turkiga , ee deganaa dalalkaas

Waxaana dagaaldaas badankooda gacanwayn ka gaysanayey ciidamada diyaardaha dagaalka ee ingiriiska . oo ay taageerayaan ciidamada lugta ee baxrayn , diyaaradahaas oo qaraacayey goobahii ay fadhiyeen ciidamadii turkigu ee k u teedsanaa bada cas, rushayntaas oo suuro galisay in quwadahii carabtu gacatnta ku dhigaan dekadahii bada cas dhamaantood , waxayna gacanta ku dhigeen kumanaan ka mid aha ciidamadii turkig, hogaamiyaashi dagaalkaa turkiga lagu hayey waxaa laga xusi karaa loraysa carab, waxaynna in badan dagaalamayeen quwadahii faysal,

1918kii waxaa sii sacday dagaalkii u dhaxeeyey ciidamadii qabaailkii carabta iyo kuwii turkiga waxayn akhrikii ciidankii qabiiladu gaadheen suuriya iyo dimishiq halkaas oo ahayd dhamaadkii daagaalka ,waxaana halkaa lagu gadhay heshiiskii ( mowdros ) oo udhaxeeyey xulafadii carabta iyo boqortooyadii cismaaniyiinta, taas oo lagu dhameeyey dagaalkii laba geesoodka ahaa,

Gabogabdii

Hadaba dagaalka dekadha ee ay wadaan imaaraadka iyo sacuudiga iyo waxa uu salka ku hayaa dagaalkii kowaad ,taas oo iminka uu isleeyahay sacuudigu qabso bada cas waxaanu khatar iyo baabiin gaadhsiiyeen dalkii yaman waxayna is khilaafeen djabuuti oo dakadaheeda waxayna ereteriya ka dalbadeen in ay maal gashadaan ,waxayna dekada berbera laga kirireeyey mudo 40sano aha ,waxayna reer boosaaso ka iibsadeen dekadoodii oo ilaa hada waxba laga qabanin ,markaa dagaalka dekadahu somalilya amaba mandaqada geesku ujedadiisu waa ka ishortaagid turkiga iyo shiinaha laga hor istaago dekadaha bada cas iyo maalgalinta uu africka aay gashanayaan markaa ha umalayn in maalagalin ee waa xaasidnimo ,mustaqabalkana maalingalinta ay sheegayaan way ku fashilmayaan

By: Khadar Adam Aw Muuse

mixile190@gmail.com

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this