Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay Weeraro Al Shabaab ka geysteen gobolada dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerar dhaawac loogu geystay guddoomiye ku xigeenkii Maxkamadda Sare ee gobolka Bari ee maamulka Puntland.

Weerarka ayaa ka dhacay mid kamid ah hoteelada ku yaala magaalada Boosaaso oo lagu magacaabo Jubba, sida Al Shabaab ay baahiyeen, waxaana weerarka fuliyay rag hubeysan oo AL Shabaab ka tirsan.

Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda Sare ee Puntland Saciid Cabdi Muumin ayaa la dhigay xarumaha caafimaadka kadib dhaawac kasoo gaaray weerarka oo Al Shabaab ay abaabuleen.

Xaaladda magaalada ayaa degen, balse ciidamada Puntland ayaa sheegay inay ku raadjoogaan dadkii ka dambeeyay weerarka ka dhacay Hotelka Jubba ee magaalada Boosaaso.

Dhinaca kale waxaa degen xaalada magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, halkaasi oo Al Shabaab ay xalay weerar ka geysteen, waxaana socdo gurmad ciidamada Jubbaland ay ka helayaan deegaanada kale ee gobolka Gedo.

Dadka deegaanka waxaa soo wajahay xaalad cabsi ah, waxii ka dambeeyay markii Al Shabaab ay go’doomiyeen magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Sidoo kale wararka aan ka heleyno degmada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose aya sheegaya in xaalad kacsanaan ah ay ka jirto magaalada duleedkeeda, halkaasi oo uu dagaal xoogan shalay gelinkii dambe ka dhacay.

Dadka deegaanka ayaa bilaabay inay ka barakacaan deegaanka Jilibka Marko iyo deegaanada kale ee hoostaga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this