Deeq A. Posted November 22, 2018 Belad-xaawo (Sh.M.Network) – Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa udhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dagaalamayaasha hubeysan ee Al-Shabaab. Warar ayaa intaas ku daraya in xoogaga Shabaab ay xalay usuuragashay inay la wareegeen magaalada kahor inta uusan dhicin iska hor-imaad. Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lasoo sheegayaa inuu geystay dagaalka, inkasta oo aanan la hubin tirada saxda ah. Maamulka degmada ayaa tilmaamay inay Al-Shabaab ka saareen magaalada, islamarkaana ay haatan iyaga gacanta ku hayaan amniga Belad-xaawo. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Shabaab oo ku aadan dagaalka xoogan ee ka dhacay degmada Belad-xaawo ee gobolka Gedo. Dhanka kale, fahfaahinta ayaa intaas ku dareysa in Al-Shabaab ay xalay kala soo baxeen hoygiisa Nabadoon caanka ka ahaa gobolka. Nabadoon “Dhaqane Muudey” oo dhowaan ka yimid dhanka Doolow ayay wararku sheegayaan inay Al-Shabaab gawracday. Ma cadda sababta ka dambeysay arrintaan, xili aanu jirin war ay xarakad Al-Shabaab kasoo saartay dhacdadani. Degmada Belad-xaawo oo ku taala xadka Soomaaliya iyo Kenya ayaa in-dhawaanahaan amnigeeda wuxuu ahaa mid liitay, xili saraakiisha ciidanka xooga dalka ay sheegteen inay xaqiijin doonan. The post Dagaal ka dhacay Belad-xaawo iyo Nabadoon la gawracay appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites