Deeq A. Posted November 22, 2018 Wararka ka imaanayaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaasi saaka lagu dilay mid kamid ah shaqaalaha ganacsiga magaalada,laba qof oo kalena lagu dhaawacay. Bartamaha Suuqa Magaalada Boosaaso ayaa lagu dilay xisaabiye ka tirsanaa shirkada Ganacsiga ee SAABIR,kaaasoo magaciisa lagu sheegay Axmed Cali Nuur (Dalaqo),waxaana sidoo kale la dhaawacay laba qof oo kale,sida ay sheegeen goobjoogayaal. Dilka ayaa sida la sheegay waxaa gaystay koox bastoolado ku hubaysnaa oo markiiba goobta ka cararay. Hay’adaha amniga gobolka Bari,gaar ahaanna taliska Booliisku weli faahfaahin kama bixin dhacdadaas. PUNTLAND POST The post Mid kamid ah shaqaalaha ganacsiga oo lagu dilay Boosaaso appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites