Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab oo Gowracay Nabadoon Dhaqane & Wiilal uu dhalay oo Nolosha lagu watay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Al Shabaab ayaa xalay weeraray degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, halkaasi oo dhawaan maamulka degmada fariin digniin ah ugu diray Xaasaska Al Shabaab ee degmadaasi degen.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in weerarkaasi uu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in Al Shabaab ay ku dileen degmada Nabadoon magaciisa lagu Koobay Dhaqane.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in nabadoonka Al Shabaab ay ugu galeen gurigiisa islamarkaana ay ku gowraceen qolkiisa, sida dadka deegaanka ay warbaahinta Muqdisho u sheegeen.

Sidoo kale waxaa soo baxaya in labo wiil oo uu dhalay nabadoonka ay kaxeysteen Al Shabaab, iyadoo loo malaynayo in bartilmaameydka weerarka uu ahaa guriga Nabadoonka, sida xogaha la helayo ay sheegayaan.

Ciidamada dowladda ayaa isaga baxay degmada muddo saacado ah, iyadoo saaka la arkayo ciidamada oo dib ugu laabtay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Xaaladda degmada ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay cabsi aheyd, iyadoo AL Shabaab ay hareereeyeen magaalada, kadib amar kasoo baxay maamulka degmada Beledxaawo loogu digay xaasaska Al Shabaab inay degmada Isaga baxaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this