Sign in to follow this  
Deeq A.

Caqabado kale oo soo wajahay doorashada KG iyo Dib u dhac laga baqayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa Muddo lix maalin ah ay ka harsan tahay doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed oo dib u dhac uu ku yimid 17-kii bishaan November.

Marka la eego muddada harsan iyo howlaha la doonayo in la qabto ayaa ah kuwo aan is keeni kareyn, waxaana jirta cabsi kale oo laga qabo in dib u dhac uu ku yimaada doorashada Koofur Galbeed.

Wararka ayaa sheegaya in muddo shan maalin ah kulamo aan loo kala kicin inay qaadanayeen ku simaha madaxweynaha Koofur Galbeed, Guddiga doorashada iyo masuuliyiin matalaysa dowladda Soomaaliya oo Baydhabo ku sugan.

Kulamadaasi ayaa qaarkood la isku fahmi waayay, waxaana jiro cadaadis dowladda Soomaaliya ay saareyso guddiga doorashada, iyadoo laga baqayo in guddiga markale ay iscasilaan.

Sida qorshaha uu yahay waxaa maanta la bilaabayaa inay isdiiwaan geliyaan Musharixiinta Koofur galbeed, haddii ay sidaasi dhici weysanaya waxaa sii xoogeysan kara walaaca laga qabo dib u dhaca doorashada.

Musharixiinta qaar oo guddiga loo farmuuqay ayaa laga doonayaa inay ka reebaan doorashada Koofur Galbeed, waana tan ugu weyn ee keentay in shaqada ay sii socon weyso tan iyo markii Shariif Xasan uu booska baneeyay.

Wali lama diiwaan gelin musharixiinta Koofur Galbeed, waxaana muuqata inuu soo baxayo walaaca musharixiinta qaar ay qabeen oo ahaa in doorashada la gaarsiin rabo ilaa sanadka 2019.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this