Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah Faahin:- Qarax Askar ay ku geeriyoodeen oo ka dhacay Shabeelaha Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Wanlaweyn ( Sh.M.Network):-Ugu Yaraan 2 Askari ayaa ku Geeriyootay 3 kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib weerar Qarax Miino loo adeegsaday oo xalay Saqdii dhexe lagula beegsaday degmada Wanlaweyn Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Somalia.

Ilo wareedyo ku sugan meesha wax ka dhaceen ayaa ku soo warramaya in Qaraxaasi lala beegsaday Ciidamo ka tirsan kuwa Guutada 6aad ee Military-ga Somalia.

Waxaana la sheegay in Qaraxa uu haleelay Gaari Dagaal oo Nuuca Cabdi Bilaha loo yaqaanno ah.

Dadka waxyeeladu ka soo gaartay ayaa wararka qaar sheegayaan In uu ku jiray Taliyaha Guutada 6aad ee Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed.

Ma jiro wax war ah oo Saraakiisha Military-ga Soomaaliya ka soo saareen weerarkaasi la sheegay in uu khasaaraha dhimasho iyo dhaawac intaba kala kulmeen.

Kolonyada la weeraray ayaa ka soo ambabaxay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

The post Faah Faahin:- Qarax Askar ay ku geeriyoodeen oo ka dhacay Shabeelaha Hoose appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this