Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaaal Saacadihii la soo dhaafay ka dhacay degmada Ceel Afweyn

Recommended Posts

Deeq A.   

Ceel Afweyn( Sh. M. Network):-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Sanaag ayaa ku soo warramaya in Saacadihii la soo dhaafay Dagaal khasaaro sababay uu ka dhacay  degmada Ceel Afweyn ee Gobolkaasi.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu u dhexeeyay Ciidamo uu hor kacayo Sarkaal lagu Magacaabo Caraale oo dhawaan ka goostay maamulka Soomaaliland iyo Ciidamada Maamulkaas ee ku sugan degmada Ceel Afweyn.

Ma Cadda Khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkaasi ka dhashay balse ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u xaqiijiyay in maalmihii la soo dhaafay Magaalada Ceel Afweyn ay ku sugnaayeen Wafdi Wasiiro ah oo ka socda Maamulka Somaliland kuwaas oo waan waan ka dhex waday Sarkaalka Gadooday iyo maamulka Somaliland taas oo ku aadan sidii isaga iyo Ciidamadiisa dib loogu soo celin lahaa Maamulka.

Wafdigaan ayaa kulamo la qaatay Maamulka iyo waxgaradka degmadaasi Ceel Afweyn ,walow aysan muuqan , Natiijo la taaban karo oo ka soo baxday dadaaladooda.

Weli waxaa xiisad xoogan laga dareemayaa degmada Ceel Afweyn walow dhinacooda dadaallo xoogan wadaan Wasiirada gaaray degmadaasi.

 

The post Dagaaal Saacadihii la soo dhaafay ka dhacay degmada Ceel Afweyn appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this