Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Gobolka Banaadir oo qabanaya doorashooyin ay shacabka codeynayaan.

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh.M.Network):-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Engineer Cabdiraxmaan Cumar  Cismaan Yariisow ayaa sheegay in Doorashooyinka Ururada Haweenka iyo Dhalinyarada Degmooyinka ay Shacabka dooranayaan.

Mr Yariisow ayaa hoosta ka xariiqay in tallaabadaan ay tijaabo u noqoneyso doorashooyinka Golaha deegaanka oo iyana shacabka la filayo in ay soo doortaan.

Muddooyinkii dambe ayaa la arkay   qorshayaal maamulka Gobolka Banaadir iyo Laamaha Ammaanka ay ku dar dar gelinayaan Ammaanka Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, iyadoona Ciidamo Boolis ah la geeyay dhammaan waaxaha degmooyinka Gobolka Banaadir.

Waxaana dadka qaar qabaan in Ammaanka Magaalada Muqdisho uu ka soo reynayo , marka loo eego xilliyadii hore oo dilalka iyo qaraxyadii dhici jiray.

 

The post Maamulka Gobolka Banaadir oo qabanaya doorashooyin ay shacabka codeynayaan. appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this