Sign in to follow this  
Deeq A.

Ardey Ku Dhintay Rabshado Ka Dhacay Jaamacad Ku Taalla Dalka Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Benishangul Gumuz)-Saddex ardey ah ayaa ku dhintay jaamacad ku taalla dalka Itoobiya kaddib markii rabshado ay salaasadii ka dhaceen gudaha jaamacadda, sida ay ku warrantay wasaaradda waxbarashada ee dalkaasi.

Itoobiya.png

Jaamacaddan oo ku taalla gobolka Benishangul Gumuz waxaa ku dhaawacmay 34 ardey, sida ay sheegtay Hirut Woldemariam oo ah wasiiradda sayniska iyo waxbarashada sare ee dalkaasi.

Waxay ku eedeysay in dhibaatadan ay ka dambeeyeen ciidammo ay ku sheegtay inay kasoo horjeedaan isbaddallada ka socda Itoobiya.

Hirut waxay sheegtay inay jireen isku dayo ah lagu carqaladeynayo waxbarshada jaamacadda isla markaasna lagu hurinayay dagaallo u dhexeeyo qowmiyadaha gudaha jaamacadda.

Waxay intaasi ku dartay in la sameeyay koox gaar ah si ay uga shaqeeyaan soo celinta nabadda.

Bishii Oktoobar ayay ahayd markii dagaallo u dhexeeya bulshooyinka dego Itoobiya ay ku dhinteen in ka badan 40 qof, sida ay ku warrantay warbaahinta maxalliga.

Qaramada Midoobey waxay sheegtay in 70,000 qof ay dagaallada ka barakaceen.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this