Sign in to follow this  
Deeq A.

Ruushka Oo Ku Guul-dareystay Hoggaaminta Booliska Adduunka Ee Interpol

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Moscow)-Booliska adduunka ee Interpol ayaa Kim Jong-yang u doortay inuu noqdo madaxweynaha Interpol kaddib markii laga hor yimid nin u dhashay Ruushka oo lagu eedeeyay inuu si khaldan u istcmaalay laanta ha’yaddan u qaabilsan xiridda dadka.

834d7d19-f1af-49ef-8bd1-3a6358b0f82b.jpg

Kim oo u dhashay Kuuriyada Koonfureed waxaa uu ku guulaystay codad gadhayo 194, waxayna arrintani ka dambeeysay markii dalalka xubnaha ka ah Interpol ay kulankooda sanadlaha ah ku yeesheen magaalada Dubai.

Wuxuu ka guuleystay Alexander Prokopchuk oo Ruushka u dhashay kaaso la filayay inuu guulaysto.

Waxaa jiray walaac ah in Alexander Prokopchuk uu ha’yadda u adeegsan karo in uu ku bartilmaameedsado dadka dhaleeceeyo madaxweynaha Ruushka Putin.

Xukuumadda Moscow waxay sheegtay in Alexander Prokopchuk uu sii ahaan doono madaxweyne ku-xigeenka Interpol.

Doorashada booliska caalamiga ah ee Interpol ayaa imaaneysaa xilli la waayay madaxweynihii hore ee Interpol, Meng Hongwei kasoo la waayay markii bishii Septembar uu booqasho ku tagey Shiinaha.

Xukuumadda Beijing waxay sheegtay in loo xiray si baaritanno lagu sameeyo eedeymo loo haysto oo ah laaluush.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this