Sign in to follow this  
Deeq A.

Ugu Yaraan 40 Qof Oo Ku Dhintay Qarax Lala Eegtay Goob Uu Aroos Ka Dhacayay Dalka Afqanistaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan 40 qof ayaa ku geeriyootay qarax ka dhacay agagaarka goob ay xaflad aroos ka dhaceysa caasimadda dalka Afqanistaan ee Kabul, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dalkaasi.

Waxaa lagu soo warramaya in 60 qof ay ku dhaawacmeen weerarka oo ka dhacay degmada PD15, dadka dhaawaca ah waxaa loo qaaday isbitaallada aggaasi.

Ila hadda lama ogo waxaa dhaliyay qaraxa.

Si kastaba ha ahaate,Ururka Taalbaan iyo kooxda isku magacaawday dowladda Islaamka ayaa marar badan weeraro ka gaystay dalka Afqanistaan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this